Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ganacsiga

Dumarka ku nool dalka Gambia oo dalbaday in cadaaladda la horkeeno shirkad laga leeyahay dalka India oo dawo ay soo saareen ay ku dhinteen 66 caruur ah.

Dumarka ku nool dalka Gambia oo dalbaday in cadaaladda la horkeeno shirkad laga leeyahay dalka India oo dawo ay soo saareen ay  ku dhinteen 66 caruur ah.

Shirkadaan oo lagu magacaabo maiden Pharma ayaa lagu soo  waramayaa in sharoobo qufac oo ay soo saartay ay ku waxyeeloobeen caruurta ku nool dhawr magaalo oo ka tirsan Dalka Gambia sida ay xaqiijisay hay’adda WHO.

Hooyo 30 jir ah oo haysata afar caruur ah ayaa ilmaysay kadib markii ay ogaatay in cudurka wiilkeeda 20 ka bil jiray uu u dhintay mid ka mid ah daawooyinka ay shirkadaasi soo saarto.

Xukuumadda Gambia ayaa uga digtay shacabka dalkeed isticmaalka dawooyinka ay shirkadaasi soo saarto, waxaana ay ka dalbatay hay’adda WHO in marka uu dhamaado baaritaanka ay wadaan loo helo cadaalad dadkii ay saamaysay dawooyinka shirkadda maiden Pharma.

Qaar ka mid ah Isbitaalada ku yaala Dalka Gambia oo sharoobooyinka qufaca u qorayay dadka qaba hergabka ayaa sheegay in inta badan dadka ay u qoraan daawooyinka qufaca ee shirkadaas ay u dhimanayeen cudurka Kilyaha.

Hay;adda WHO ayaa u sheegtay shacabka Gambia in ay talaabo lagu mamnuucaya wax soo saarka shirkadaas ay ku dhawaaqday, islamarkaana ay baari doonto maadooyinka ay dawooyinka ay soo saaraan ka kooban yihiin.