Barcelona Oo Aad u doondooneyso Saxeexa Mid Kamida Xiddigaha Meel Uga Soo Baxay .....
kooxda Barcelona ayay macquul tahay inay xagaaga dambe weerar dhinaca suuqa ah ku qaado dhigeeda Premier League ee Manchester United iyadoo ka doonaysa mid kamida xiddigaha muhiimada ka yeeshay shaxda Erik Ten Hag oo ah daafaca midig ee Diogo Dalot.
Barca ayay dhibaato ka haysataa daafaca midig, haatan waxay haystaan Sergi Roberto iyo Hector Bellerin balse waxay doonayaan ciyaaryahan mustaqbalka fog ah.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Man United 25 Milyan oo euro ku dalban doonto iibka Dalot haddiiba ay iibinayso walow uu muhiim u yahay Ten Hag.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Barcelona ayaa xagaaga dambe booskaas ciyaartoy u doonaysa waxayna haatan haysataa saddex dookh oo kala ah Stepahane Singo oo Torino ka tirsan iyo Vanderson oo AS Monaco ah balse bartilmaameedka koowaad ayaa u ah Dalot.
23 sano jirkaas ayuu heshiiskiisa Man United xagaaga dambe dhacayaa walow ay Red Devils dookh u haystaan inay sanad kale kordhiyaan heshiiskiisa.
Roberto ayaan asal ahaan daafac midig ahayn halka Bellerin oo heshiiskiisu hal sano yahay wali is-muujin, waxay ku biirayaan liis xiddigo booskaas kusoo fashilmay tan iyo Dani Alves.