Dadka ku dhintay shil doon oo ka dhacay dalka Nigeria.
Tirada dadka ku dhintay shil doon oo ka dhacay dalka Nigeria ayaa gaaraysa 76 qof, sida uu sheegay madaxwaynaha dalka
Nigeria Muhammadu Buhari.
Doonta ayaa rogmatay Jimcihii kadib markii daadad xooggan ay ka dhaceen deegaanka Ogbaru ee gobolka Anambra,
Saraakiisha dalka Nigeria ayaa maalinimadii Sabtida tirada dhimashada ku sheegay 10 ruux halka 60 kalena la la’aa.
War qoraal ah oo uu madaxwaynaha Nigeria soo dhigay bartiisa Twitter ka Axadii ayuu ku sheegay in tirada dhimashadu intaas
ka badan tahay, isaga oo xilligaas soo xiganayay mas'uuliyiinta xaaladaha degdegga ah.
Madaxa Hay'adda Maaraynta Deg degga ah ee Gobolka Anambra ayaa sheegay in 15 qof la soo badbaadiyay habeenkii
Sabtida.
Gobolka Anambra ayaa ka mid ah 29 gobol oo ay sanadkaan saameeyeen daadad xoog badan oo ku dhuftay dalkaas, kuwaas
oo ay ku waxyeelooben nus milyan qof, halka ay ku baaba’een guryihii, dalagyadii iyo jidadkii ay lahaayeen goboladaas.