Ruushka oo duqaynihii ugu ba'anaa saakay ku bilaabay magaalooyinka dalka Ukraine.
Militariga Ruushka ayaa duqaynihii ugu ba'anaa saakay ku bilaabay magaalooyinka dalka Ukraine.
Magaalada Kyiv ee caasimadda ah waxaa ku dhacay ugu yaraan 5 gantaal, wararka horudhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen duqaynta Kyiv isla markaana ay ku dhaawacmeen 30 qof.
Magaalada Dnipro ayaa sidoo kale duqayn laga soo sheegayaa iyadoo duqaymo kale ay ku socdaan magaalooyinka waa wayn ee Ukraine. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inay ka jawaabi doonaan duqaymaha Ruushka.
Dhanka kale Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa hadda shir deg deg ah isugu yeeray gudoomiyayaasha gobollada, waxaana la filayaa in uu soo saaro go'aamo cusub.