Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Booliska dalka Hindiya oo toogasho ku dilay shabeel

Booliska dalka Hindiya oo toogasho ku dilay shabeel

Booliska dalka Hindiya ayaa toogasho ku dilay shabeel ka dib markii uu ugu yaraan sagaal qof ku dilay magaalada Champaran
ee gobolka Bihar.


Shabeelka ayaa la dilay kadib markii ay ugaarsanayeen ilaa 200 oo askari oo ka tirsan booliiska iyo mas'uuliyiinta degmada.
Qaar ka mid ah askarta ayaa helitaanka shabeelka dad cunka ahaa u adeegsaday maroodiyayaal.


Dalka Hindiya ayaa hoy u ah 70% shabeelka duurjoogta adduunka, waxaana howlgalkii lagu dilay shabeelka hogaaminayay booliska gobolka Bihar, kuwaas oo isku gadaamay beer sokor ah oo u dhaw tuulada Sitaltola Baluwa si ay u dilaan shabeelka saddex jirka ah ee loo yaqaan T-104.
Kumar Gupta, oo ah madaxa ilaalinta duurjoogta ee gobolka, ayaa u sheegay Times of India in shabeelka loo aqoonsaday
inuu "khatar ku yahay nolosha aadanaha".


Agaasimaha xerada lagu xanaaneeyo xayawaanada ee Valmiki, Nesamani K, ayaa sheegay in ugaarsigii ugu dambeeyay ee lagu
raadinayay T-104 uu bilowday Sabtidii, wax yar kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in hooyo iyo ilmaheeda lagu dilay
weerar shabeel.
"Waxaa ay ahayd habeeen aragagax iyo hurdo la ‘aan ay ku dhacday dadka dagan xaafadda sida uu warbaahinta gudaha u
sheegay ," Paltu Mahato, isaga oo intaasi ku daray in booliiska ay ku adkaatay helida iyo toogashada Shabeelka.