Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ganacsiga

QM oo ka digtay qatar ku soo wajahan Dunida.

QM oo ka digtay qatar ku soo wajahan Dunida.

Qaramada midoobay ayaa ka digtay in cawaaqib xumo ba’ani ay soo wajihi doonto dunida, hadii aan dhaqaale loo helin qaxaatiga ka soo cararaya colaadaha iyo gaajada soo foodsaartay adduunka.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ku qasbanaan doonta in ay hoos u dhigto cawaaqib xumada ka dhalan karta dadka barakacayaasha ah ee ku nool daafaha caalamka, haddii aysan si degdeg ah u helin

$700m oo maalgelin cusub ah, sida uu shaaca ka qaaday madaxa hay'adda Isniintii.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) Filippo Grandi ayaa sheegay in dagaalka Ukraine uu abuuray malaayiin Qaxooti ah, waxaana hadda jira in ka badan 100 milyan oo qof oo si qasab ah looga barakiciyay caalamka, ayuu yiri.

"Waan ka xumahay in aan idin ku wargaliyo in markii ugu horeysay intii aan xilka hayay, aan ka walaacsanahay xaaladda dhaqaale ee UNHCR," Grandi ayaa yiri.

Waxaa ay intaasi ku dartay in haddii aaay hay’adda UNHCR helin $700 oo milyan oo dheeraad ah dhamaadka sanadkaan ay adkaan doonto in ay gargaarkii loo baahnaa ay helaan malaayiinta qaxootiga ku ah wadamada caalamka.

Maamulka hay’adda UNHCR oo la hadlayay deeqbixiyayaasha ayaa sheegay in iskahorimaadka Ukraine uu kor u qaaday "dhibaatada barakaca ugu weyn uguna dhaqsiyaha badan" ee Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, Iyada oo miisaaniyadda Hay’adda ay ku korortay in ka badan $1bn sanadkan oo kaliya.