Talaado, 24 Nofembar 2026
Caalamka

Hogaamiyaasha Ruuska iyo Imaradka Carabta oo ka wada hadlayo arrimo muhiim ah.

Hogaamiyaasha Ruuska iyo Imaradka Carabta oo ka wada hadlayo arrimo muhiim ah.

Wadahadalo u jeedkoodu yahay tamarta iyo wax soo saarka Saliida ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Talaado ah ku dhexmaro magaalada moosko madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo kan isutagga imaaraadka carabta Shiikh Maxamed Bin Sayid Al nahyaan.

Madaxwaynaha Imaaraadka ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro dalka Ruushka sida ay Isniintii sheegtay wakaaladda wararka WAM.

Wadahadaladaan ayaa imaanaya todobaad kadib markii ay wadamada ku bahoobay OPEC oo ay ku jiraan Ruushka iyo Imaaraadku ogolaadaan in hoos loo dhigo wax soo saarka Saliida si ay cadaadis u saaraan dawladda maraykanka oo arrintaasi ka so horjeesatay.

Wadamada soo saara shidaalka ee loo yaqaano OPEC ayaa dhawaan isku raacay in wax soosaarka Shidaalka la dhimo laba milyan oo fuusto maalintii, taasi oo ah qorshe ay kaga hortagayaan aragtida aqalka cad ee Maraykanka.

Ololha dhimista shidaalka ee ay hogaaminayaan dawladda Sacuudiga iyo xulufada Ruusha ayaa waxaa ay xumaysay xiriirkii Washington ay la lahayd isbahaysigeedii Khaliijka ee Riyaadh iyo Abuu dabay.

Aqalka cad ee looga arrimiyo dawladda maraykanka ayaa soo jeediyay todobaadkii la soo dhaafay in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka Washington kala dhaxeeya dalka Sacuudi carabiya maadaama ay hormuud u yihiin qorshaha Mosco ee dhimista wax soo saarka Shidaalka.

Xiriirka Joe Biden madaxwaynaha Maraykanka iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa si xumaanayay tan iyo markii uu xaafiiska la wareegay Biden, Sababta dawladda Maraykanku ugu ololaynayso in kor loo qaado wax soo saarka Saliida ayaa ah sidii uu xisbiga DEmocratiga ee haya talada dalka maraykanka uu mar kale ula wareegi lahaa awooda Congress ka.

.

2