Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Saddex xiddig oo Kooxda Chelsea ka maqnaanaya kulanka caawa ay la leeyihiin AC Milan.

Saddex xiddig oo Kooxda Chelsea ka maqnaanaya kulanka caawa ay la leeyihiin AC Milan.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaan heli doonin adeegga saddex ka mid ah xiddigahooda muhiimka ah kulanka ay caawa booqanayaan Naadiga AC Milan ee dalka Talyaaniga oo ku tirsan tartanka UEFA Champions League.

N’Golo Kante ayaa ka mid ah xiddigaha aan kooxda ula safrin dalka Talyaaniga, waxaana la filayay inuu soo kaban doono oo uu dib uga soo laaban doono dhaawacii muruqa ahaa ee uu la maqnaa, balse kama uusan soo gaarin kulankan waana uu seegi doonaa ciyaarta caawa ka dhacaysa garoonka San Siro.

Daafaca Chelsea Wesley Fofana ayaa sidoo kale seegi doona kulanka caawa oo aan safarka Blues ee Talyaaniga qeyb ka ahayn waxaana uu Fofana garoommada ka maqnaan doonaa muddo bil ah.

Dhinaca kale waxaa safarka Chelsea ee kulankan si lama filaan ah looga reebay Hakim Ziyech, maadaama uusan ka qeyb qaadan tababarkii ugu dambeeyey.

Kooxda reer England ayaa saddexdaas xiddig la’aantood isku dayi doonta inay gaarto guusheedii labaad oo xiriir ah tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, isla markaana ay ka gaarto isla kooxda AC Milan.