Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal ka dhacay Deg.Balcad ay ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab.
Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidamadeeda oo ka dhacay Deeganka Buulo Kuuno & deegaanno kale oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku dishay 5 xubnood oo katirsan Al-Shabaab oo midkood uu yahay sarkaal.
Ciidamada Dowladda ayaa inta howlgalka uu socday waxa ay adeegsadeen Mootooyinka nooca labada lug leh & Gaadiidka Dagaalka ay wateen, Dowladduse masoo bandhigin Magaca sarkaalka ay sheegtay in ay ka dishay Al-Shabaab.
Sarakiisha dowladda ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigtay xubin kale oo Al-Shabaab katirsan, Hub & Gaari, Dowladdu waxa ay intaas ku dartay in howlgalka uu yimid kaddib markii heleen xogta ragga ay beegsatay.
Deegaannada u dhaxeeya Degmooyinka Balcad & Afgooye waxaa ku kordhay howlgallada ay ka sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, tan iyo markii howlgalkaas uu billawday waxaa ka dhashay dhimasho & dhaawac.