Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ciidamo kale oo horleh iyo Gaadiid dagaal oo gaaray maanta Gobolka Hiiraan.

Ciidamo kale oo  horleh iyo Gaadiid dagaal oo gaaray maanta  Gobolka Hiiraan.

Ciidamadii ugu badnaa oo ah kuwa degaanka iyo Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed sida Ciidamada kumaandooska DAMAB iyo Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ayaa gurmad ahaan u gaaray degaanka Yasooman iyo nawaaxigeeda .

Ciidamadaan oo ah qeybtii labaad ayaa ka kala timid Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qeyb ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa horkacayo gulufka dagaal ee Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo ka dajiyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana laga saaray deegaano badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo ra’isulwasaare Xamze Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in laba sano gudahood ay dalka uga sifeenayaan Al-Shabaab Sida ay hadalka u dhigeen .