Afhayeenka Wasaaradda difaac oo la magacaabay.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur (jaamac) ayaa Afhayeenka Wasaaradda difaac u magacaabay S|guuto Cabdullahi Cali Canood, si loo xoojiyo xiriirka warbaahinta iyo Wasaaradda
Jeneraal Caanood ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana magacaabistiisa ay kusoo aadeysaa, iyada oo dalka uu ku jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab, taasi oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha.
