Midawga Yurub oo wada qorshe ay ku cunaqabataynayaan dawladda Iiraan.
Wasiirada arrimaha dibadda ee dawladaha midawga Yurub oo maalinta Isniinta shirk u yeelanaya Wadanka Luxembourg, ayaa wada qorshe ay ku cunaqabataynayaan dawladda Iiraan, hadii ay wax ka badali wayso xariga iyo hanjabaadaha ay ku hayso saraakiil iyo shacab ka soo
horjeeda qaab dhaqanka ciidamada IIraan.
Waxaa jiray muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada kaas oo laga duubay ciidamada rabshadaha ka hortaga ee dalkaas, kuwaas faraxumayn u gaysanayay haweenay banaanbaxyadaasi ka qaybqaadanaysay.
Dawladaha Yurub ayaa u arka talaabooyinka ay ku dhaqaaqeen ciidamada IIraan kuwo xadgudub ku ah xuquuqda bini’aadamka, sidaasi darteed ay doonayaan in
ay culays ku saaraan dawladda IIraan si loo soo afmeero.
Qaar ka mid ah wadamada midawga Yurub ayaa horay uga cagajiidayay cunaqabatayn ay dawladaha , maraykanka, Ingiriiska iyo Kanada ku soo rogeen dalkaasi, balse afhayeen u hadlay xukuumadda iiraan ayaa sheegay in aanay waxba u arkaynin hadii dawladaha kale ee midawga yurub ku biiraan.
Wasiirka arrimaha dibadda IIraan oo la hadlay qaar ka mid ah wadamada midawga Yurub ayaa u sheegay in mudaaharaadyada ay ka danbeeyay Ururo argagixiso
kuwaas oo wax u dhimaya amaanka dalka IIraan.