Dawladda Ruushku oo Weerar gantaal ku qaaday xarun muhiim ah oo u dhaw casimadda Ukrain ee Kyiv.
Weerar gantaal oo ay dawladda Ruushku ku qaaday xarun muhiim ah oo u dhaw casimadda Ukraine e Kyiv ayaa si xun u waxyeeleeyay xarun tamarta laga soo saarta,sida ay sheegtay shirkadda netka ee dalkaasi, iyadoo milatariga Ruushka uu dadaal ku bixinayo sidii uu korontada uga jari lahaa meelaha dadku ku badan yahay.
Dawladda Ruushka ayaa sidoo kale wado qorshe kale oo ay uga hortagayso weeraro rogaal celis ah oo Ukraine ay ku soo
qaadaan gobollada ku jira gacanta dawladda Ruushka.
Barasaabka gobolka Kyiv Oleksiy Kuleba ayaa Sabtidii sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta ay san jirin cid ku dhaawacantay.
Shirkadda korontada ee Ukrenergo ayaa sheegtay in shaqaalaheedu ay ka shaqaynayaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen adeeggii korontada balse waxaa ay dadka uga digeen suurtogalnimada weeraro kale oo uga yimaada dhanka ruushka, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara adeega korontada dalkaas.
Gobollada koonfurta Ukraine dhaca ayaa bishii hore madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ugu dhawaaqay in ay goboladaasi ay qayb ka yihiin gobolada hoos
yimaada maamulka moosko.