Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ciidamada milateriga Itoobiya oo kala wareegay sadex magaalo xoogagga mucaaradka ah ee ku sugan waqooyiga gobolka Tigray.

Ciidamada milateriga Itoobiya oo kala wareegay sadex magaalo xoogagga mucaaradka ah ee ku sugan waqooyiga gobolka Tigray.

Ciidamada milateriga Itoobiya ayaa kala wareegay sadex magaalo xoogagga mucaaradka ah ee ku sugan waqooyiga gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo, Xilli ay sii kordhayso qeylo dhaan ku aaddan colaadda dib uga soo cusboonaatay dalkaas ee u dhexeysa ciidammada federaalka iyo xulafadooda iyo jabhadda Tigreega.


Magaalooyinka ay Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya “ENDF” la wareegeen ayaa kala ah “Shire, Alamata iyo Korem” iyada oo aanu wax dagaal ah ka dhicin
magaalooyinka," sida ay sheegtay warbaahinta Itoobiya.


Mar sii horeysay, taliska dhexe ee Tigray-ga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in magaalada Shire ay u gacan gashay ciidamada federaalka Itoobiya, isagoo intaa ku daray in jabhaddu ay ku jiraan halgan "Nolol ama Geeri" ah.


Shire, oo ah magaalo jaamacadeed leh garoon diyaaradeed, ayaa ku taala goob istaraatiji ah oo u sahlaysa ciidamada Itoobiya inay galaangal ballaaran ku yeeshaan deegaannada kale ee Tigray-ga, sida magaalooyinka Axum iyo Adwa, ama xitaa caasimadda gobolka, Mekelle, iyada oo ay Magaaladaasna martigelisay tobanaan kun oo qof oo ka soo barakacay deegaannada kale ee ay colaaddu ka ka socoto.


Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay dariska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal toos ah kula jiray ciidamada Tigrayga tan iyo
dabayaaqadii 2020, colaadaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof , malaayiin kalena ay ku barakaceen halka , boqolaal kunna ay qarka u saaran yihiin macaluul.
Midawga Afrika ayaa ku guuldaraystay wadahadal la filayay in labada dhinac eek u dagaalamaya Itoobiya ay isugu geeyaan dalka Koonfur Afrika.