Dawladda Britain oo u yeertay diblumaasi sare oo u dhasahay dalka Shiinaha.
Dawladda Britain ayaa u yeertay diblumaasi sare oo u dhasahay dalka Shiinaha sababo la xiriira rabshado ka dhacay bannaanka Qunsuliyadda Shiinaha ee Manchester, Kaasi oo looga soo horjeeday faragalinta ay dawladda Shiinuhu ku hayso Taiwan.
Booliiska Britain ayaa baaraya shil ka dhacay Qunsuliyadda Shiinaha gudaheeda xili uu socday banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Shiinaha Xi
Jinping. Saraakiil ka tirsan Booliiska Greater Manchester ayaa gudaha u galay dhismaha qunsuliyadda si ay u badbaadiyaan nin ay sheegeen in "lagu jiiday" gudaha oo ay weerarayeen dhowr nin.
"Waxaan walaac weyn ka qabnaa muuqaallada aan aragnay oo muujinaya dhacdo ka dhacday Qunsuliyadda Guud ee Shiinaha," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska “Zac Goldsmith, Isaga oo intaasi sii raaciyay"Maanta waxaan aragtidayada si cad ugu sheegnay mas'uuliyiinta Shiinaha, oo ahayd in la ixtiraamo xuquuqda dibad-bax nabadeed ee UK.
Safiirka Shiinaha ee UK ayaa looga yeedhay wasaaradda arrimaha dibadda si uu u sharaxo dhacdada.isaga oo uu la kulmay sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha dibadda.
Kaasi oo safiirka ku wargaliyay in dhammaan diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha qunsuliyada ay ixtiraamaan shuruucda iyo xeerarka UK.
Goor sii horreysay, magaalada Beijing, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Wenbin, ayaa ku eedeeyay dibadbaxayaasha inay mas'uul ka yihiin dhacdada ka dhacday qunsuliyadda guud ee ay dawladda Shiinuhu ku leedahay magaalada Manchester ee dalka UK.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ku eedeeyay banaanbaxayaasha in ay khalkhal galiyeen amaankii qunsuliyadda islamarkaana ay si sharci darro ah ku galeen
xarumaha dublamaasiyadeed Shiinaha ee Manchester.
Muuqaal fiidiyow ah oo laga soo duubay dhacdada ayaa muujinaya nin cirro leh oo koofiyad sita oo wajigisu daboolan yahay oo garaacaya boorarka
mudaaharaadayaasha, kuwaasi oo sita sawirka madaxwaynaha Shiinaha oo qaawan.