Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Dagaalka hubaysan ee ka socda dalka Itoobiya gaar ahaan dhulka Tugreega ayaa sababay in dawladda maraykanku qaadato talaabo lagu badbaadinayo muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee ku nool dalka maraykanka.

Maamulka aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay, in dadkaItoobiyaanka ah ee ku sugan Gudaha maraykanka ay heli doonaan sharciyad shaqo iyo in aan dalkaas laga masaafurin doonin muddo 18 bilaad ah, maadaama dagaalka ka socda Itoobiya loo aqoonsaday mid xadgudub ku ah xuquuqda bini
aadamka.

“Laga bilaabo 20 ka October, 2022 ka waxaa ay dadka Itoobiyaanku dalban karaan shaqo iyo xuquuqaha kale ee lagama maarmaanka u ah bini’aadaminimada tan iyo inta uu nabad ku soo laaban doono dalka aad ka soo jeedaan ee Itoobiya” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda amniga gudaha ee maraykanka (DHS).

Waa markii ugu horeysay oo ay dawladda maraykanku u aqoonsato dadka Itoobiyaanka ee dalkeeda jooga in ay u qalmaan xeerka TPS, oo ah sgaeci ku meel gaar ah ee la siiyo dadka duruufaha adagi ka taagan yihiin dalalkooda.

Horay waxaa sharcigaan TPS loogu aqoonsaday muwaadiniinta ka soo kala jeeda Afgaanistaan, Yemen, Haiti, Somalia, Cameroon, iyo Ukraine, iyo wadamo kale oo adduunka ah.

Milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Ereteriya ayaa tan iyo dabayaaqadii 2020 kula dagaallamayay ciidammada gobolka woqooyi ee Tigrayga gudaha dalka Itoobiya, iyada oo ay colaadaasina ku dhinteen kumanaan qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen, halka maanta ay boqolaal kun qarka u saran yihiin in ay macluul u dhintaan.

Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka adduunka Tedros ayaa ku eedeeyay xukuumadda Abiy Axmed in Cunada iyo Daawada loogu talo galay dadka halkaa ku dhibaataysan loo isticmaalo hub dagaal, balse dawladda Itoobiya arrintaas waa ay beenisay.