Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Shaxda Rasmiga ah ee Nottingham Forest vs Liverpool.

Shaxda Rasmiga ah ee Nottingham Forest vs Liverpool.

Jurgen Klopp ayaa shan isbeddel ku sameeyey shaxdii uu Arbacadii ku garaacay West Ham United, kulanka ay martida u yihiin Nottingham Forest, waxaana ka maqan Darwin Nunez oo ku biiray liiska dhaawacyada dabada furan ee xilli ciyaareedkan gilgilay Reds.

Liverpool ayaa u safartay Nottingham iyadoo uu weeraryahanka reer Uruguay ka maqan yahay oo uu liiska dhaawacyada kula biiray Diogo Jota, Luis Diaz, Matip, Naby Keita iyo xiddigo kalae oo muddo maqnaanaya.

Klopp ayaa kusoo bilaabay shanta ciyaartoy ee kulankii hore nastay ee James Milner, Andy Robertson, Fabinho, Curtis Jones iyo Harvey Elliott, waxaanay beddeleen Nunez oo dhaawac ku maqan, Alexander-Arnold, Tsimikas, Jordan Henderson iyo Thiago Alcantara oo dhamaantood kaydka la dhigay.

Waxa weerarka kula soo bilowday Mohamed Salah iyo Roberto Firmino laacibka da’da yar ee Fabio Carvalho oo ka ciyaaraya garabka bidix, halka khadka dhexe ay is garab taagan yihiin Fabinho, Jones iyo Harvey Elliott.

Difaaca dhexe ayay Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ka wada ciyaarayaan, waxaana dhinacyada ka xiga Andy Robertson iyo James Milner.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Milner, Gomez, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Jones, Elliot, Carvalho, Salah, Firmino.

Kaydka: Adrian, Kelleher, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Tsimikas, Clark, Bajcetic, Phillips, Alexander-Arnold.

Nottingham Forest XI: Henderson, Williams, Cook, McKenna, Aurier, Freuler, Yates, Kouyate, Lingard, Gibbs-White, Awoniyi.

Kaydka: Hennessey, Biancone, Worrall, Mangala, Surridge, Johnson, Dennis, Boly, Lodi.