Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Tirada Codadka Uu Karim Benzema Ku Qaaday Ballon d’Or Oo Lasoo Bandhigay – Miyuu Rekoodhkii Ronaldo Jabiyay?

Tirada Codadka Uu Karim Benzema Ku Qaaday Ballon d’Or Oo Lasoo Bandhigay – Miyuu Rekoodhkii Ronaldo Jabiyay?

Shabakadda France Football ayaa shaacisay tirada codadkii uu kabtanka Real Madrid ee Karim Benzema ugu guuleystay abaalmarinta ay bixiyaan ee Ballon d’Or Isniintii hore.

Benzema ayaa ahaa ku dhawaad guuleystaha la isku raacay inuu qaadayo Ballon d’Or kaddib sanado lagu kala aragtiyo duwanaa cida mudan.

Saddexda kaalmood ee sarre oo ah kuwa ugu muhiimsan ee dib loo eego taariikh ahaan ayay la dhammaystireen Sadio Mane iyo Kevin De Bruyne.

Si kastaba, tirada codadka uu Karim ku qaaday Ballon d’Or ayaa ah 549 cod isaga oo ciyaaryahanka booska labaad ee Mane oo keenay 193 cod ka sarreeya 356 cod oo ah tiro aad u badan.

Kevin De Bruyne ayaa booska saddexaad kusoo galay 175 cod isaga oo kaliya shan cod ka sarreeyay ciyaaryahanka booska afraad ee Mohamed Salah oo 170 cod ku dhammaystay.

Weeraryahanka xagaagii dhawaa kusoo biiray Barcelona ee Robert Lewandowski oo shanta sarre dhammaystiray ayaa isaguna helay 116 cod.

Ugu dambayn, Cristiano Ronaldo ayaa wali haysta rekoodhka dhibcaha ugu badan ee Ballon d’Or lagu qaaday kaddib sanadkii 2016 oo uu 745 dhibcood ku qaaday isaga oo 429 dhibcood ka sarreeyay Lionel Messi oo booska labaad soo galay.