Amiir Maxamed bin Salmaan oo aan ka qaybgali Karin shirka Jaamacadda Carabta.
Amiir Maxamed bin Salmaan dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa lagu soo waramayaa in aanu ka qaybgali Karin shirka Jaamacadda carabta ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Al jaris ee dalka Al Jeeriya.
Shirkaan oo 1da November 2022ka, dhici doona ayaa baaqashada Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi carabiya lagu sheegay mid caafimaad, iyada oo Takhaatiirtu kula taliyeen in aanu safrin, taasi oo uu isna u hogaasamay.
Warkaan ka soo baxay madaxtooyada Aljeeriya ee ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Maxamed bin Salmaan wax jawaab ah kama aanay bixin dawladda Sacuudigu, balse waxaa la sheegay in uu jiray wadahadal dhanka Taleefanka ku dhexmaray madaxwaynaha dalka Al jeeriya Abdelmadjid Tebboune iyo
Amiir Maxamedka Sacuudi Carabiya.
Madaxwaynaha Aljeeriya oo aad uga xumaaday ka maqnaanshiyaha Shirka ee maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in uu Fahamsan yahay sababta ka dambaysa baaqashada dhaxalsugaha, isaga oo u rajeeyay Caafimad qab.
Bayaan ka soo baxay wakaaladda Wararka ee ay sucuudigu maamusho ayaa lagu sheegay in wadahadalka dhexmaray madaxwaynaha Aljeeriya iyo Mr Salmaan uu ahaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka labada dal.
Si dhab ah ilaa iyo hadda looma cadaynin xaaladda Caafimaad ee Amiir Maxamed bin Salmaan maadaama uu u hogaansamay talada Takhaatiirta ee ku saabsan in aanu gali karin wax safar ah, waxaase jirta xiriir sii xumaanaya oo amiirka kala dhaxeeya dawladda maraykanka, kaasi oo maraya halkii ugu saraysay.
Ururka Jaamacadda Carabta oo la aasaasay sanadii 1945 tii ayaa waxaa xubno ka ah 22 dawladood oo badankoodu ku yaala bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika, Waloow la hikiyay xubinimadii dalka Suuriya sababao la xiriiray dagaalka dabadheeraaday ee ka socda dalkaas.
Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa uu sanadii 2015 noqday ku-xigeenka dhaxal-sugaha boqortooyada, Waxaa uu awood badan ku yeeshay dalka Sucuudiga kadib markii uu boqor salmaan xilkii ka qaaday Amiir Maxamed Bin Nayef, oo mar ahaa nin awood badan oo madax ka ah dedaallada ka hortagga argagixisada ee Sucuudiga, isla markaana saaxiib dhow la ahaa dawladda maraykanka.