wasiir Fiqi oo kulan xogwareysi ah la qaatay y ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee QM.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan isxog-wareysi ah la yeeshay ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan, iyada oo xoogga la saaray arrimo badan oo hortabin u leh labada xafiis, iskaashi iyo wadashaqeyba. Inta uu kulanka socday waxaa la isla soo qaaday dadaallada dib u xorreynta ee ka socota dalka, arrimaha xasillinta, dib u heshiisiinta iyo gargaarka banii’aadnimo. Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhankiisa adkeeyey sida wasaaradda uga go’antahay in ay wadashaqeyn dhow la yeelato xulafada Soomaliya.






