Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maxkamadda Ciidamada oo saaka toogasho ku fulisay laba Rag ah.

Maxkamadda Ciidamada oo saaka toogasho ku fulisay laba Rag ah.

Maxkamadda CQS ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay Shucayb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Cabdijabaar Cumar oo loo heystay in ay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho kana tirsan yihiin AS.

Labada Nin ee la toogtay waxa uu kiisaskooda maray Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida & tan sare oo isku raacay xukunka lagu fuliyay ee Toogashada ah sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamadda.

Shucayb waxaa lagu eedeeyay in uu dilay Xuseen Macalin Cali oo macalin ka ahaa Dugsiga Ciidanka ee Gen. Dhegobadan, Gaashaanle Booliis Yuusuf Cabdullaahi Maxamuud oo katirsanaa hoggaanka Caafimaadka Booliiska, Labo Xidigle Booliis Cabdullaahi Ibraahim Xasan (Gambar) & Dadka kale.

Saadaq Cabdijibaar Cumar waxaa dhankiisa lagu eedeeyay in uu dilay Maxamuud Xasan Ibraahim oo katirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’adaha ammaanka Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Febaraayo 2019.

Muumin Xuseen Cabdullaahi, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukunka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay heerarka kala duwan uu soo maray kiiskooda.

Muddo ayay u xirnaayeen kiiska lagu eedeeyay ee ah in ay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho oo ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo ugu dambeyn maanta la toogtay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa gacanta ku haysa kiisas kala duwan oo qaarkood xukunnadooda ay ridday, halka lagu wado in ay dhageysato eedaha kale ee loo heysto Askar, Dad ku eedeysan in ay katirsan AS & Daacish oo Dowladda u xiran.