Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dhulgariir dad badan ay ku dhinteen oo ku dhuftay waqooyiga Filibiin.

Dhulgariir dad badan ay ku dhinteen oo ku dhuftay waqooyiga Filibiin.

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhaawacantay dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.4 magnitude (magnituyuut) oo ku dhuftay waqooyiga Filibiin, waxaana xirmay garoon diyaaradeed oo caalami ah ee dalkaas.


Dhulgariirka ayaa sababay in dadka deegaanka oo argagaxsan ay u soo baxaan banaanka iyaga oo isugu soo ururay wadooyinka, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray isbitaalada iyo goobaha ganacsiga.


Dhul-gariirkan oo dhacay abaaro 10:59 habeenimo ayaa goobaha uu saameeyay waxaa ka mid ah magaalada toga sare ku taala ee Dolores, oo ah magaalo 330km (205 mayl) ka xigta koonfurta caasimadda wadanka Filibiin.


Booliska iyo saraakiisha duulista rayidka ayaa sheegay in ugu yaraan 26 qof ay ku dhaawacmeen Ilocos Norte, oo ah gobolka uu ka soo jeedo madaxweyne Ferdinand Marcos , halkaasoo garoonka caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Laoag lagu amray in si ku meel gaar ah loo xiro Arbacadii sababo la
xiriira burburka dhulgariirka.


Madaxweynaha oo sidoo kale loo yaqaan Bongbong ayaa uga digay dadka shacabka ah in ay ka fogaadaan daaraha dhaadher, maadaama ayuu yiri dhulgariirku mar kale dhici karo.


Marcos Memorial Hospital oo ku yaal magaalada Batac, oo qiyaastii 60km waqooyi ka xigta caasimadda ayaa ka mid ah goobaha khasaaraha ugu xun soo gaaray, iyada oo ugu yraan laba magaalo oo k atirsan dalka Filibiin ay yihiin koronto la’aan, halka qaar ka mid ah buundooyinka ay soo gaareen bur bur
lixaad leh Qalabka lagu cabiro dhulgariirka ee loo yaqaano (EMSC) ayaa tilmaamay in dhulgariirkani yahay kii ugu ba’naa ee soo mara
dalka Filibiin, Iyada oo qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday dhulgariirka oo ku mahdinaya alle ay sheegeen in xilliga ay guryahooda ka soo baxayeen ay arkayeen daaro dhaadheer oo gariiraya balse daqiiqado ka dib bur buray.


Xafiiska difaaca madaniga ah ee gobolka Abra oo ah halka ay ku taallo Dolores ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la bixin Karin khasaaraha rasmiga ah,
"Ma awoodi karno inaan qiimeyn buuxda ku sameyno saameynta hadda sababta oo ah waa habeen, waxaan sidoo kale ka fekereynaa badbaadada dadkeena," samatabbixiyaha Abra Joel de Leon ayaa khadka taleefanka ugu sheegay wakaalada wararka ee AFP