Lionel Messi Oo La Wareegay Rekoor Lagu Sifayn Karo Midka Ugu Weyn Taariikhda Kubadda Cagta
Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa dhigay rekoodh lagu sifayn karo midka ugu weyn taariikhda kubadda cagta oo uu kala wareegay halyeeyga ree Brazil ee Pele.
Messi ayaa qaadanaya xilli ciyaareed dahabi ah isaga oo 18 kulan oo tartamada oo dhan ah durba 27 gool ka qayb qaatay kaddib 15 gool iyo 12 caawimo.
Rekoodhka uu Pele haystay ee Messi dhaafay ayaa ahaa in halyeeyga ree Brazil kasoo qayb qaatay goolasha ugu badan taariikhda kubadda cagta oo ahaa 1126 gool (Isku geynta goolasha iyo caawimooyinka).
Messi ayaa xalay dhaafay xogtaas mudada dheer u taalay Pele isaga oo gaadhay isku geynta goolasha iyo caawimooyinkiisa 1127.
Messi ayaa sanadkan 2022 oo loo arkayay mid ku xun haddana xog ahaan aad ugu fiican yahay sababtoo ah inuu 40 kulan oo uu sanadkan ciyaaray kasoo qayb qaatay 51 gool.