Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa xaqiijiyay in ayna wax talaabo ah qaadi doonin Henderson & Gabriel

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa xaqiijiyay in ayna wax talaabo ah qaadi doonin Henderson & Gabriel

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa xaqiijiyay in ayna wax talaabo ah qaadi doonin ka dib markii ay isku dhaceen Jordan Henderson isaga iyo Gabriel intii ay socotay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay Liverpool.

FA-ga ayaa xaqiijiyay in aysan wax talaabo ah qaadi doonin ka dib markii Jordan Henderson iyo Gabriel Magalhaes ay isku dhaceen gudaha garoonka bishaan.

Labadan nin ayaa isku dhacay dagaal kulul intii lagu guda jiray kulankii ay Arsenal 3-2 kaga badisay Liverpool garoonka Emirates.

Xamaasada ayaa bilaabatay markii Arsenal loo dhigay rigoore muran badan dhaliyay daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta – taasoo noqotay mid ay guushu raacday.

Laakiin dagaalka ka dib, garsoore Michael Oliver ayaa joojiyay ciyaarta si uu ugu wargaliyo Jurgen Klopp iyo Mikel Arteta in eedayn la sameeyay.

Kadibna wuxuu soo gudbiyay warbixin deg deg ah ciyaarta ka dib, taasoo keentay in FA-ga ay bilaabaan baaritaan rasmi ah.

Henderson iyo Gabriel labadooduba waxay bixiyeen bayaanno sida baqashu u eegeen si ay u galaan gunta dagaalka.