Wariye caan ah oo u dhashay dalka Haiti ayaa ka badbaaday isku day dil.
Wariye caan ah oo u dhashay dalka Haiti ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu beegsaday gaarigiisa xili uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo ee magaalada caasimada ah ee Port-au-Prince maalinimadii Talaadadii, sida ay saraakiishu sheegeen.
Roberson Alphonse, oo ka howlgala wargayska maalinlaha ah ee Le Nouvelliste iyo raadiyaha Magik9, ayaa la dhigay isbitaal, iyada oo u maray laba qaliin ah,waxaana la filayaa inuu soo kabsado, sida uu sheegay Frantz Duval, tafatiraha guud ee wargayska.
Dhacdadan ayaa muujinaysa xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa ee waddan ay ragaadiyeen rabshaduhu, waxaana Wasaaradda Dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Haiti ay sheegtay in ay "si argagax leh u ogaatay warka ku saabsan isku dayga dilka" ee ka dhacay xaafadda Delmas.
Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa yiri, waa wariye xirfadisu aad u sarayso, kaasi oo sumcad ahaan kasbaday bulshada reer Haiti, isaga oo mar walba ku dadaali jiray wararka ku salaysan dhexdhexaadnimada.
Weerarka lagu qaaday Alphonse ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii la helay maydka wariye kale oo la la’aa muddo dhawr maalmood ah.
Hogaamiyayaasha Haiti ayaa codsaday in si deg deg ah loo diro ciidamo amni oo ajnabi ah iyadoo wadanku uu wajahayo qalalaase aan horay loo arag