Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Xukuumadda Washingto oo canbaaraysay xukunka maalqabeenka warbaahinta Hong Kon.

Xukuumadda Washingto oo  canbaaraysay xukunka maalqabeenka warbaahinta Hong Kon.

Xukuumadda Washington ayaa canbaaraysay xukunka been abuurka ah ee maalqabeenka warbaahinta Hong Kong Jimmy Lai, iyada oo ka digay in ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dhulka Shiinuhu ay sii xumaato.


Dawladda Shiinaha ayaa lagu eedaynayaa in ay wado xadgudub ka dhan ah saxaafadda, Iyada oo xukuno dil ah ku fulisa warbaahinta iyo shakhsiyaadka madaxbanana ee u ololeeya arrimaha dimocrats ka.


Milkiilihii hore ee Wargayska Apple ee u ololayn jiray Dimuquraadiyadda ayaa lagu dilay xukun maxkamadeed Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa Arbacadii sheegay in Washington ay ka soo horjeedo caburinta lagu hayo saxaafadda, waxaana ay wiiqaysaa ayay yiraahdeen dadaalada caalmiga ee lagu doonayo in Hong Kong ay xurnimo u hesho madaxbanaanideeda dhuleed.


Lai iyo laba maamule oo hore ee Apple Daily, Wong Wai-keung iyo Chow Tat-kuen, ayaa lagu eedeeyay inay jabiyeen shuruudaha heshiis kiro oo ay la saxeexdeen
shirkad dawladeed oo loogu talagalay xafiiska Apple Daily.


maalqabeenka warbaahinta Hong Kong Jimmy Lai oo 74 sano jir ah, oo u ololeeya madaxbananida Hong Kong ayaa ka danbeeyay mudaaharaadyo dimoqraadiyadeed oo waaweyn oo ka dhacay Hong Kong saddex sano ka hor.


Waxa uu wajihi doonaa xukun maxkamadeed oo ay suurto gal tahay in uu ku mutaysto xabsi daa’in