Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Musharrixiinta Golaha Deegaanka Dhuusamareeb oo maanta la diiwaangelinayo.

Musharrixiinta Golaha Deegaanka Dhuusamareeb oo maanta la diiwaangelinayo.

Magaalada Dhuusamareeb xarunta dowalda goboleddka Galmudug waxaa maanta oo sabti ah lagu diiwaangelinayaa Musharrixiinta Golaha Deegaanka degmadaas sida ku xusan jadwalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Dowlad-Goboleedkaas.

Diiwaangelinta musharrixiinta ayaa soconeysa maalmaha 29ka & 30ka October 2022 si marka la diiwaangeliyo loo siiyo shahaadada muujineysa in uu qofka kasoo gudbay shuruudaha una diyaargaroobo Doorashada codeynteeda dhaceysa 31ka October illaa 1da November 2022.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa sheegtay in Degmooyinka Dowlad-Goboleedkaas ay ka hirgelineyso Gole deegaan oo doorta Guddoomiye & ku xigeen si looga gudbo magacaabista dadka lagu keenno.