Barca Oo Carradii Niyadjabka Champions League Kala Duldhaceysa Los Che.
Barcelona ayaa isku dayi doonta inay iska gadaal mariso niyadjabkii Champions League ka soo qabsaday bartamihii todobaadkan marka ay caawa u safraan kooxda Valencia kulan ka tirsan horyaalka La Liga.
Valencia waxaa mar kale ka maqnaan doona Samu Castillejo iyo Jaume Domenech kulanka caawa iyagoo dhaawac ah halka Mouctar Diakhaby uu maqnaan doona ilaa iyo bartamaha bisha November.
Ilaix Moriba ayaa isna dhaawac ku maqan inkastoo xiddiga khadka dhexe uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Mallorca.
Maqnaanshaha Diakhaby waxay keeni doontaa in Hugo Guillamon inuu ku soo bilowdo daafaca dhexe halka Samuel Lino iyo Justin Kluivert ay weerarka kula biiri doonaan Edinson Cavani.
Nico Gonzalez kama horimaan karo kooxda milkiyadiisa iska leh ee Barcelona.
Kulanka: Valencia vs Barcelona
Garoonka: Mestalla Stadium
Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Ricardo De Burgos