Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Shacab iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa si isku mid ah ugu shubaye dhiig dadkii ku dhawaacmay qaraxydii ka dhacay muqdisho

Shacab iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa si isku mid ah ugu shubaye dhiig dadkii ku dhawaacmay qaraxydii ka dhacay muqdisho

Magaalada Muqdisho, ayaa dadweyne fara badan safaf waxey u galeen isbitaalada, si ay dhiig u bixiyaan maadaama dad farabadan ay jiifaan, kuwaas oo u baahan dhiiga kadib markii ay ku dhaawacmeen qaraxyada.

Tani ayaa ka danbeysay kadib markii shacabka laga dalbadey iney dhiig bixiyaan, maadaama isbitaalada aanay heynin dhiig ay ku shubaan dhaawaca faraha badan ee lasoo gaarsiiyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka codsadey dadweynaha iney ku deeqaan dhiig, si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah ee deg degga ah u baahan.dhaawacyada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale iyana ku deeqay dhiig, iyada oo Maanta xaaladda magaalada muqdisho ay tahay mid ka duwan maalmihii la soo dhaafay