Waa sidee xaalada maalintii 3aad goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ee isgoyska zoobe.
Wali Meydad horleh ayaa laga soo saarayaa dhismihii ku burburay weerarkii 29-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, tirada dhimasho ayaa aad u korartay waxaana goobta ku sugan dad badan oo raadinaya ehelladooda oo aysan ku heynin nolal iyo geeri.
Gurmad xoogleh ayaa socdo oo ay wadaan dhalinyaro is xilqaamay, Xukuumadda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Waa sidee maanta muuqaalka goobtii qaraxu ka dhacay Sabtidii, waxaa wariye Mahad Mutawakil oo ka tirsan SMS TV uu dul istaagayaa goobihii ganacsiga, isaga oo tilmaamaya sida ay dadku ugu kala ganacsan jireen.