Milatariga Ruushka oo ka faa’iidaysanaya khibradda ciidamadii kumandooska Afgaanistaan.
Milatariga Ruushka oo ka faa’iidaysanaya khibradda ciidamadii kumandooska Afgaanistaan ayaa bilaabay diiwaangalintooda, si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka ee ka gaalamaya UKrain.
Ciidamadii sida gaarka ah u tababarnaa ee Afgaanistaan kuwaas oo u cararay dalka Iiraan kadib markii kooxda Islaamiga ah ee Taalibaan ay sanadkii hore la wareegeen awooda dalkaasi ayaa ku dayacan goobihii ay u carareen.
Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa warinaysa, in Ruushku doonayo in uu soo jiito kumanaan ka mid ah ciidamada kumaandooska Afgaanistaan ee ka barbar dagaalmi jiray ciidamadii maraykanka intii aanay isaga bixin dalka Afgaanistaan.
Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Ruushka ayaa sheegay in ciidamadaas ay mushaar ahaan u siin doonaan $ 1,500 bishii, sidoo kalena ay iyaga iyo qoysaskooda siinayaan gabaad amni.
Taliyayaashii hore ee dalka Afgaanistaan Abdul rauuf iyo Hibatullaah Alizai ayaa sheegay in Ciidamadii ka firxaday Afgaanistaan aanay la hayn wax dooq ah oo ay ku khasbanaanayaan in ay iska qoraan milatariga Ruus, hadii kale ay la kulmi karaan masaafurin dag dag ah.
Warbixin uu soo saaray Congress-ka xisbiga Jamhuuriga bishii Ogoosto ayaa si gaar ah uga digay khatarta in ciidamada kumaandooska Afgaanistaan ee ay tababareen US Navy SEALs iyo Army Green Berets - ay dawladaha Ruushka iyo IIraan siin karaan macluumaadka sirta xeeladaha maraykanku adegsado
ama ay u dagaalami karaan.
Michael Mulroy, oo ah sarkaal CIA-da ah oo shaqada ka fadhiistay, ayaa ku tilmaamay kumaandooska Afgaamistaan kuwo xirfad sare leh oo ay khatar tahay hadii Ruushku u adeegsado dagaalka Ukrain.
Wasaaradda difaaca maraykanka ayaan ila aiyohadda wax faalo ah ka bixin qoritaanka kumaandooska Afgaanistaan ee Ruushku qorshaynayo in uu u adeegsado dagaalka Ukrain