Madaxweynaha Ukraine oo ugu baaqay beesha caalamka ilaalinta marinka badda si maraakiibta sidda shixnadaha
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ugubaaqay beesha caalamka ilaalinta marinka badda si maraakiibta sidda shixnadaha
dalkeeda ay u helaan goob amaan ah.
Arrintaan ayaa ka danbaysay kadib markii ciidamada Ruushku hakiyeen maraakiib u siday Qamadi iyo badeecooyin kale Afrika gaar ahaan
Itoobiya todobaadkan, Waxaana madaxwaynaha UKrain uu ka dalbaday beesha caalamka in Jawaab cad oo dhinaca bini aadaminimada la
xiriirta ay siiyaan Ruush.
Zelenskyy ayaa dawladaha Turkiga iyo Qaramada midoobay uga mahadceliyay kaalintoodii ku aadanayd in dagaalka labada wadan ee
Ruushka iyo UKrain aanu wax saamayn ah ku yeelanin maraakiibta sida Raashinka ee ka soo baxaysa dakadaha Ukrain.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Sabtidii ka horyimid heshiiskii laga dhexwaday iyaga iyo UKrain, kadib markii uu ku eedayay
Kyiv in ay fulisay weerar "argagixiso" oo lagu qaaday maraakiibta Ruushka iyada oo kaashanaysa maraakiibta iyo diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn ee boqortooyada Ingiriiska.
UKrain ma diidin mana aqbalin mas'uuliyadda weerarka, halka London ay iska fogeysay eedeymaha Moscow oo ay ku tilmaantay "sheeko la
hindisay".
Ruushka ayaa Isniintii gantaallo ku garaacay magaalooyin ay ka mid tahay Kyiv, taasi oo uu Putin ku sheegay mid uu kaga aargoosanayay
weerarkii lagu qaaday maraakiibtooda Badda Madow.
Washington oo cambaareysay weerarka gantaalaha, ayaa ku eedaysay mosko in ay bartilmaameedsanayso ilaha dhaqaale ee ku xiran nolosha
bini’aadaminimada sida korontada iyo biyaha.
Dawlado iyo ururo badan oo caalmi ah ayaa wada dadaalo dublamaasiyadeed oo lagu qaboojinayo duulaanka Ruushku ku hayo UKrain, kadib markii ay sii korortay saamaynta dhaqaale iyo macluusha baahsan ee ka jira wadamada Saboolka ah ee ku xiran raashinka iyowaxyaabaha quutuldaruuriga ah eek a imaan jiray labadaasi dal.
In ka badan 9.5 milyan oo tan oo hadhuudh ah iyo badeecooyin kale isugu jira ayaa la dhoofiyay sida uu dhigayo heshiiskii labada dhinac dhexmaray ee ay garwadeenka ka ahaayeen Qaramada midoobay iyo turkiga bishii July, iyada oo uu jiray isku day lagu soo celinayo dhoofinta heerarkii maciishadaha dagaalka ka hor, kaasi oo ahaa 5 milyan oo tan bishii.
Wasiirka kaabayaasha ee Ukraine Oleksandr Kubrakov ayaa sheegay Talaadadii in sideed markab oo raran la filayo inay maraan marin badeedka maalinimada Khamiista, balse lama oga sida uu Ruushku ugu hogaansami doono heshiiska cunno dhoofinta UKrain.