Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Abdisaid Muse oo ka jawabay warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha diinta.

Abdisaid Muse oo ka jawabay warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha diinta.

Dhawaan ayey aheyd markii Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa awaamiir cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in aan Al-Shabaab loogu yeerin magaca aan aheyn Khawaarij.

Wasaaradda waxay kaloo mamnuucday in culimada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Al-Shabaab, waajibaadna uu ka saaran yahay taageeridda gulufka ka dhan ah Alshabaab.

Hadalka wasaraada ka soo baxay ayaa waxa ka jawabay Abdisaid Muse Ali. Oo horey u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda xukumadda federalka Soomalaiya

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twaterka ayaa waxa u uku yiiri

“Wasaaradaha ay hoggaamiyaan rag horey uga tirsanaa AL Shabaab Waa in la fahansiiyo nidaamka dawladnimada iyo go’aanada Xukuumada qaabka loo maro hadana loo faafiyo. Xuquuqaha aasaasiga ah si fudud looma badali karo. Dawladnimada maaha inkiraad & aarsi kooxdaadii hore. “

Sidoo kale Abdisaid Muse Ali Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya “”Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey Waa AL-Shabaab ee la qabso Dhaqanka caburinta, magac bixinta aan saxda ahayn, iyo xornima la’aanta Waa habdhaqan lagu yaqaan Al Shabaab.”

Abdisaid Muse Ali Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya “Wasaarada Arr.Diinta waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka AS. Talada saxda ah Waa in asaga la badalaa oo dawladnimada la baro iyo Ku shaqaynta sharciga.”

oo ka ayaa tilmamay in Sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka  aan laga hor istaagi karo. Go’aanada wasaarada Diinta aay  yihiin  waxba kama jiraan maadaama ay sharci daro yihiin. Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey Waa AL Shabaab ee la qabso. Ayuu ku yiri qoraalkiisa

 Ugu damneyntii wasiir Abdisaid Muse Ali.ayaa qoraalkiisa ku sheegay

Abdisaid Muse Ali. Ayaa oo talo ahaan u soo jeediyay ayaa qoraalkiisa ku yiri”

Jawaabta wasiir Abdisaid Muse Ali. Ayaa ku soo aadeyso xili dowlada federalka Soomalaiay ay dagaal kula jirto Alshabab