Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Wabxo
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgadud Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.
Dagaalka oo socday muddo kooban ayay Ciidamada u suurta gashay in ay degaanka la wareegaan.
Dagaal xooggan ayaa waxa uu ka socdaa deegaan u dhaxeeyo Wabxo iyo sidoo kale degmada Ceelbuur oo ay ku xoogan yihiin Al-shabab
Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ayaa waxay shegeen in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Wabxo oo qiyaastii 46 kiiloo mitir u jirta Degmada Ceel-buur ee g/Galgaduud.
maanta ayay gareen Ciidamo ka tirsan dolwada degaano u dhaw deganka wabxo waxana maalmihii danbe halkaasi lagu daabulayay Ciidamada degaanka iyo kuwa dowlada.