Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Graeme Souness Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League

Graeme Souness Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League

Graeme Souness ayaa sameeyay saadaalintiisa ku saabsan 4-ta boos ee ugu sareeya waxana uu kooxaha Liverpool iyo Tottenham ku taageeray in ay ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku tartami doona horyaalka premier League iyaga oo 8 dhibcood ka horeeya kooxaha kale ee ku xiga.

Newcastle ayaa ka mid ah 3 kooxood oo kaliya laga badiyay hal kulan ilaa haatan premier League iyaga oo ku jira 4-ta boos ee ugu sareeya 7 dhibcoodna ka dambeeya Arsenal.

Tottenham ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo 3 guuldaro la kulmay ilaa haatan xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 5-aad waxana ay ilaa haatan la kulantay 4 guuldaro premier League Xilli ay chelsea ku jirto kaalinta 6-aad isla markaas guuldaro kala kulmay kooxda Arsenal.

Liverpool ayaa dhinaceeda ka soo kabsatay labadii guuldaro ee xidhiidhka ahaa waxana ay ka badisay kooxda Tottenham iyada oo kor u qaaday rajadeeda ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya premier League.

Souness ayaa rumaysan in ay kooxdiisii hore ku soo bixi doonto 4-ta boos ee ugu sareeya premier League xilli uu filayo in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka isla markaas Arsenal iyo Tottenham ku dhamaysan doonaan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka.

“Waxaan filayaa in labadooduba ay ku jiri doonaan afarta sare,” Souness ayaa u sheegay talkSPORT markii la waydiiyay fursadaha Tottenham iyo Liverpool.

“Waxan u malaynayaa in ay chelsea ku jirto halis waxana ay ku xidhnaan doontaa waxa ay ka sameeyaan suuqa January.

“Arsenal waxa ay u muuqataa koox fiican laakiin kuma guulaysan doonto horyaalka waxana ay ku dhamaysan doontaa kaalinta 2-aad”ayuu sii raaciyay.