Ruushka ayaa amray in ciidamada laga saaro magaalada Kherson ee dalka Ukraine
Sawirro laga soo qaaday magaalada Kherson ee Ukraine, oo ah caasimadda gobolka kaliya ee ay la wareegeen ciidamada madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu dagaalku billowday ayaa laga daremaya dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Wasiirka Difaaca Ruushka Sergey Shoigu ayaa sidoo kale ku celceliyay faallooyinka oo yiri: "Waan ku raacsanahay gabagabadaada iyo soo jeedintaada. Sii wad bixitaanka ciidamada oo qaado dhammaan tallaabooyinka lagu wareejinayo ciidamada webiga
Ku dhawaaqista Arbacadii ayaa daba socotay toddobaadyo horumarka Yukreeniyaanka ah ee ku wajahan magaalada waxayna calaamad u tahay dharbaaxo weyn oo soo food saartay ololaha militariga Ruushka ee Ukraine, oo uu ku duulay dabayaaqadii bishii Febraayo.
Dad falanqeeya arimaha siyaasada Aya yiri Siyaasad ahaan waa wax laga xishoodo ciidan ahaan waa macno daro, waana sababta jeneraalada Ruushka loogu cadaadiyay go'aankan. Tani maaha guuldarada Ruushka, maadaama ay si habsami leh uga bixi doonto, Ukrainena si taxadar leh ayay u hormari doontaa, iyadoo ka baqeysa nooc kasta oo khiyaano Ruush ah
Ugu dambayn cabsidii ugu waynayd ayaa soo food saartay yurayniyaanka raashiya ayaa kala baxayso ciidamadedii waxaa laga yabaa in raashiya ay usoo adeegsato
Hub wa wayn sido kalena ay miinooyin u aasto yukrayn madaama ay kala baxday ciidamadedii.