Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Shirka cimilada ee dhawaan lagu qabtay dalka Masar ay soomaaliya Fursadee ka heli kartaa

Shirka cimilada ee dhawaan lagu qabtay dalka Masar ay soomaaliya Fursadee ka heli kartaa

shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan xiligaan
Shirwaynahan ayaa lagu sheegay inuu yahay fursadii ugu dambaysay ee lagu xakamayn lahaa heer kulka dunidu oo aad u sii kordhaya

Laakiin khubadarada dhanka cimiladda ayaa qaba aragti ah in heshiisyada iyo sawirrada la wada gelayo ka sokow in laga doodo waxyaabaha muhiimka ah ee waddamadu u baahan yihiin inay sameeyaan si wax looga qabto isbeddelka cimilada?

Waa kaan khabiir Eng Maxamuud Maxamed Cali oo ku taqasuusay isbadalak cimiladda ayaa aaminsan in wadamada saboolka ah ay u baahan doonaan taageero maaliyadeed oo joogto ah si ay uga caawiso inay u dhaqaaqaan dhanka tamarta cagaaran.

Eng Maxamuud Maxamed Cali ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, gaar ahaan Soomaaliya waxa uuna adkeeyay isla xisaabtan lala yimaado oo gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee isbadalka cmilada saameeyeen.

Ugu dambeyntii Eng Maxamuud Maxamed Cali ayaa xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, isagoo sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya looga bahan yahya in la la timaado qurshayaal cad cad oo abuura in laga talageliyo dadka aqoonta u leh arrimahaan