Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Hormuud Telecom oo ku guuleysatay Abaalmarin Caalami ah

Hormuud Telecom oo ku guuleysatay Abaalmarin Caalami ah

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah #ChangingLivesAward oo ay bixiso hey’adda AfricaCom, taas oo ay ku mudatay sida uu adegga EVC Plus uga caawiyey hey’adaha iyo dadka kale ee deeqaha bixiya in ay lacagaha gargaarka ah sifudud ku gaarsiiyaan dadka loogu talo galay.

Abaalmarinta ayaa lagu guddoonsiiyey bandhigga #AfricaTechFestival2022 oo ka socda magaalada Cope Town ee dalka South Africa, waxa ayna noqoneysaa shirkadda isgaarsiineed ee ugu waxtarka badan bulshadeeda, qaarada Africa ka dib markii ay shacabka Soomaaliyeed ugu codeeyeen hab online ah.

Abaalmarintaan oo ay ku tartameen shirkado badan oo ka diiwaan gashan qaadda Africa ayaa ka dhigan in ay tahay guul usoo hoyatey umadda Soomaaliyeed.Hormuud Telecom ayaa horay ugu guuleysatay shahaadooyinka caalamiga ah ee ISO, GSMA, ISA iyo GLOMO Awards.