Dilalka Qorsheysan oo ku soo badanayo Magaalada Muqdisho iyo gobolada Dalka Soomaaliya.
Kooxo hubeysan ayaa degmada Dayniile ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Jeneraal Cabdullahi Xusen Warsame ( Waran ) oo katirsanaa saraakiisha milatariga Soomaaliya.
Sargaalkan ayaa la sheegay in ay dileen rag biskoolado ku hubeesan oo watay mooto Fekon ,kuwaa oo dilka kaddib goobta isaga baxsaday.
Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan howlgallo.
Dhinaca kale Allaha u naxariisto Sh Cisman Axmed Geedi iyo wiilkiisa ayaa lagu dilay aaga deeganka Dhisaq Shurufle ee gobolka Galgaduud.
Wararka waxay sheegayaan in Shiikha iyo wiilkiisa la dilay xilli ay salaad ku jireen.
Kooxihii dilka geystay ayaa iskaga baxday halka ay ku dileen Sheekh iyo wiilkiisa sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Galmudug.
Wali laguma guuleysan in kooxihii dilka geystay gacanta lagu soo dhigo.
Sh Cisman ayaa horey u soo noqday gudoomiyaha Maxkamada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Sidoo kale Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi, oo ahaa imaamkii masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan dhoor xabadood ku dhufteen imaamka masjidka caanka ah ee Dabaqeynka kaddibna goobta si degdeg ah uga baxsaday.
Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan lagu qaban kooxihii dilka geestay.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada dilkan caawa loo geestay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi, laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadlin dilka caawa ka dhacay Muqdisho.