DEG-DEG: QARAX KA DHACAY DALKA Turkiga
Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegay qarax ka dhacay bartamaha Istanbul
11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay wadada Istiklal, oo ah wado aad u mashquul badan.
Guddoomiyaha magaalada Istanbul Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in qaraxa uu dhacay abaare 4:20 galabnimo (13:20 GMT) maalintii Axadda, wuxuuna sheegay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac, balse ma uusan sheegin tirada. Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa.
Telefishinka CNN Turk ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen. Waddada ayaa ah waddo ay dadku ku badan yihiin oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka, oo ay safnaayeen dukaamo iyo maqaayado.