Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Milateriga Myanmar oo ku dhawaaqay inay siidaayeen maxaabiis ku jiray xabsiyadooda.

Milateriga Myanmar oo ku dhawaaqay inay siidaayeen maxaabiis ku jiray xabsiyadooda.

Milateriga Myanmar ayaa ku dhawaaqay inay siidaayeen maxaabiis ku jiray xabsiyadooda.

Waxayna kala ahayeen
aqoonyahan Australian ah, filim sameeye Japan ah, diblumaasi hore oo British ah iyo Mareykan taasoo qayb ka ah cafiska maxaabiista.
Telefiishanka dowladda Myanmar ee MRTV ayaa Khamiistii sheegay in Sean Turnell oo u dhashay Australia, Toru Kubota oo Japan u dhashay, British Vicky Bowman iyo Kyaw Htay Oo oo Maraykan ah ay ka mid ahaayeen 5,774 maxbuus oo la sii

Safaaradda Britain ee Yangon ayaa sheegtay in Bowman aan weli laga sii deyn xabsiga, halka ilo ka tirsan safaaradda Japan ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in lagu wargeliyay "Kubota maanta waa la sii deyn doonaa.
Ma jirin wax faallo ah oo ka soo baxay Australia iyo Maraykanka.
Myanmar waxa ay ku jirtay qalalaase siyaasadeed tan iyo afgambigii sanadkii hore, markii jeneraalada dalka ay xireen hogaamiyayaal rayid ah oo ay ku jirto Aung San Suu Kyi weeraradii aroornimo ee dhacay Febraayo 1, 2021.
Qabashada awoodda ayaa horseeday mudaaharaadyo waaweyn, kuwaas oo u xuubsiibtey iska caabin hubaysan oo ka dhan ah xukunka militariga. Ciidamada ammaanka ayaa si naxariis darro ah uga jawaabay, iyagoo dilay ugu yaraan 2,465 qof, waxaana la xiray 16,323 qof oo loo haysto eedeymo siyaasadeed, sida uu sheegay Ururka Caawinta Maxaabiista Siyaasadda, oo ah koox bulshada rayidka ah.

13,015 ka mid ah kuwa la xiray ayaa weli xabsiga ku jira ilaa Arbacadii, kooxda ayaa sheegtay.Turnell, oo 58 jir ah, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha ee Jaamacadda Sydney ee Macquarie, la-taliye dhanka dhaqaalaha u ahaa Aung San Suu Kyi, ayaa ciidamada ammaanku ku xireen hoteel ku yaal Yangon wax yar ka dib markii militariga ay xukunka ku qabsadeen afgambi bishii Febraayo 2021.
waxa lagu xukumay Sebtembar saddex sano oo xadhig ah ka dib markii uu ku xad gudbay sirta rasmiga ah ee dalka iyo sharciyada socdaalka.
kubota, oo ah 26-jir filim-qaade dukumentari ah oo fadhigiisu yahay Tokyo, ayaa 30-kii Luulyo xiray booliiska dhar-cadka ah ee Yangon ka dib markii uu sawirro iyo muuqaallo ka qaaday sannadkii hore mudaaharaad yar oo ka soo horjeeda la wareegidda militariga.