Koobka Adduunka ee saanadkaan 2022 oo Maanta ka furmaya dalka Qatar
Magaalada Doxa ee caasimadda Qadar, waxaa sanadkan 2022 ay nasiib u yeelatay in ay marti geliso koobka aduunka .
Tan iyo markii dalka Qadar ay ku guuleysteen martigalinta Koobka Kubadda Cagta Adduunka, waxaa isa soo tarayay muuqaalada xiisaha leh ee ka imanaya dalkan yar sida muuqaallo xiiso leh oo isugu jira garoomo, waddooyiin iyo dhismooyiin qurux badan.
dalkan yar ee Khaliijka oo ay ku nool yihiin saddex milyan islamarkana dhulka uu ku fadhiyo uu dhan yahay 12,000 oo kilomitir oo laba jibbaaran wuxuu ahaa dhul lama deggaan ah, qarni ka hor
Waxaa dalka Qadar dadka ku nool ay ahaayeen kalluumaysato iyo reer guuraa ka yimid saxaraha fog ee badda Carabta.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in dalka Qatar uu ka furmo Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka, iyada oo mallaayiin qof oo ka kala yimid dalalka Caalamka ay ka qeyb galayaan daawashada iyo Ciyaarta intaba.