Duqa Muqdisho oo xilalka ukala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenada cusub & Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye ku-xigeenada cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, qaar ka mid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeennada cusub, kuwii hore iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay ayaa kula dardaarmay in si xilkasnima leh oo daacadi ay ku jirto loogu adeego bulshada Caasimadda, waxaan sidoo kale madaxdii kale ee xilka wareejisay ku amaanay howlihii wanaagsanaa oo ay kasoo qabteen maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye kuxigeenada cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo xilka maanta la wareegay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabay 20 November 2022.