Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo ka dhacay degaanka Ceeldheere.
Duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday degaanka Ceel-dheere ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa lagu dilay in ka badan 100 katirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo goor dhowayd shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan uu dhacay xalay, kadib markii laamaha amnigu ogaadeen goob ay Shabaab isku abaabulayeen si ay u qaadaan weerar.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay in 10 horjooge oo katirsan Alshabaab lagu dilay duqayntan oo uu sheegay inay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamka.
Alcaddaala wuxuu sheegay in duqeynta ay bar-bar socotay howlgal qorsheeysan oo ay Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamadda Degaanka ku burburiyeen saldhigyo Shabaab ku lahaayeen Ceel dheere.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii shalay Alshabaab ay weerareen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgalgaduud, halkaas oo Shabaaabku sheegeen inay ku dileen 49 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Balse dowladda Soomaaliya ayaa beenisay sheegashadaas.