Talaado, 24 Nofembar 2026
Caalamka

Mudaaharaadyadii ugu badnaa ayaa ka socda Shiinaha tan iyo markii madaxweyne Xi Jinping uu xukunka qabtay toban sano ka hor.

FILE PHOTO: A nurse holds a vial of China's Sinopharm coronavirus disease (COVID-19) vaccine at a health center in Caracas, Venezuela March 7, 2021. REUTERS/Leonardo Fernandez Viloria/File Photo
FILE PHOTO: A nurse holds a vial of China's Sinopharm coronavirus disease (COVID-19) vaccine at a health center in Caracas, Venezuela March 7, 2021. REUTERS/Leonardo Fernandez Viloria/File Photo

Boqolaal mudaaharaadayaal ah iyo booliis ayaa ku dagaalamay Shanghai iyada oo mudaaharaadyo looga soo horjeedo xannibaadaha daran ee Shiinaha ee COVID-19 ay sii socdeen maalintii saddexaad oo ay ku fideen dhowr magaalo oo kale.


Mudaaharaadyadii ugu dambeeyay — oo aan horay looga arag dhul weynaha Shiinaha tan iyo markii madaxweyne Xi Jinping uu xukunka la wareegay toban sano ka hor - ayaa billowday ka dib markii 10 qof ay ku dhinteen dab ka kacay Urumqi, oo ah caasimadda gobolka galbeedka fog ee Xinjiang,
Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay wadiiyinka waawayn , iyagoo kor u qaaday waraaqo aan bannaanayn oo muujinaya faafreebka mudaharaadka, iyadoo booliisku ay si weyn u joogeen waddada Wulumuqi, oo loogu magacdaray Urumqi.


Warbahinta ayaa sheegtay in mid ka mid ah saxafiyiinta ay garaaceen oo ay xireen askarta

Goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay booliska oo dadka ku galbinayey bas markii dambe lagala dhex baxay dadkii sarnaa oo ahaa dhawr iyo toban qof. Weriyaha BBC-da ee la aqoonsan yahay oo ka soo warramayay mudaaharaadyada ayaa la weeraray oo la xidhay saacado badan, sida ay sheegtay warbaahinta dadweynaha ee Boqortooyada Ingiriiska.


Markaad saxiixdo, waxaad ogolaatay siyaasaddayada Qarsoonnimada
"Ma rabno waji-xidho, waxaan rabnaa xorriyad. Ma rabno tijaabooyinka COVID, waxaan rabnaa xorriyad, "mid ka mid ah kooxaha mudaharadyada wada ayaa horay ugu heesay.

Dabkii khamiistii ka kacay Urumqi ayaa waxaa daba socday dad badan oo iskugu so baxay wadadoyinka magaalada fiidnimadii Jimcaha, iyagoo ku dhawaaqayay "Jooji xannibaadda!"


Axadii, dad badan ayaa isugu soo baxay magaalo-madaxda koonfur-galbeed ee Chengdu, sida laga soo xigtay muuqaalada baraha bulshada. Halkaa, waxa ay sidoo kale kor u qaadeen waraaqo maran oo ay ku dhawaaqayeen: "Ma doonayno taliyayaasha nolosha oo dhan. Ma doonayno boqorro, MW dalka Shiinaha oo meesha ka saaray xaddidaadda muddada madaxweynaha