Guddiyada Difaaca & Amniga ee Golaha Shacabka BFS oo maalintii labaad ka shiraya cabashadii ka timid Amniga Xildhibaannada
Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wadajir ah, kaas uu Shir gudoominayey labada Guddoomiye ku Xigeen ee labada Guddi oo kala ah Xil. Nuur Axmed diiriye (Nuur Afey) iyo xil. Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir)
Kulanka Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee BFS ayaa waxaa looga hadlay cabashada ka timid qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo daarnayn dhanka isku socodka iyo xasaanadooda ku saabsan.
kulanka oo waqti badan qaatay ayaa labada Guddi isla afgarteen in maalinta beri ah ay soo Gabagabeeyaan Go’aanada ugu danbeeyana ay soo saari doonaan, iyada oo ay Warbixin u gudbin doonaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guddiga ayaa maalinimadii shalay yeeshay ay ku falanqeenayeen warqad Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga timid Guddiga oo ku saabsaneed cabasho ka timid qaar ka mid ah xildhibaanada BJFS taasi oo aheyd in is hor istaag lagu sameeyey isu socodkooda si aan munaasab aheyna loola dhaqmay.
Kulamada Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaaliya ayaa ku soo beegmaya ka dib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ay Guddoonka u gudbiyeen cabasho ku saabsan dhanka Amnig