Cristiano Ronaldo Oo Xulka Portugal Ku Sameeyay Wixii Uu Ku Sameeyay Man United.
Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa baryahan la soo baxay caado xun kadib markii uu adduunka yaabsaday kadib guushii uu xulka Portugal ka gaadhay Switzerland iskana xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka koobka adduunka.
Cristiano Ronaldo ayaa si toos ah uga baxay garoonka kadib guushii uu xulkiisa Portugal ka gaadhay xulka Switzerland kulan ka tirsanaa koobka adduunka xilli ay xiddigaha ay isku xulka yihiin u dabaal-dagayeen guusha ay gaadheen.
Kabtanka Portugal ayaa si toos ah u aaday qolka Labiska xilli ay xiddigaha xulku ku sugnaayeen garoonka dhexdiisa isla markaas la dabaal-dagayeen taageerayaashooda.
Ma ahan markii ugu horaysay ee uu Cristiano Ronaldo waxaas oo kale ka sameeyo garoonka dhexdiisa maadama uu horay Man United ugu sameeyay bilowgii xilli ciyaareedkan.
Ronaldo ayaa sameeyay wixii uu Portugal ku sameeyay kulan ay Man United ka badisay kooxda Tottenham bilowgii xilli ciyaareedkan isla markaas garoonka ka baxay xilli ay saaxiibadiis kulanka ku jiraan.
Ronaldo ayaa kaydka ku bilowday kulankii uu xulka Portugal ka badiyay xulka Switzerland isaga oo badal ku soo galay 15-kii daqiiqo ee ugu dambaysay ciyaarta.