hubka loo dirayo Ukraine oo la sheegay In uu ku dhacayo gacmo khaldan.
Ruushka isagoo la dagaallamaya eedeymaha ku saabsan jebinta heshiisyada caalamiga ah, danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hubka ay reer galbeedku siiyaan Ukraine, uu ku dhacayay gacmo qaldan, kaliya maaha Yurub laakiin sidoo kale Afrika iyo Bariga Dhexe.
hadaladii uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, kaasoo sheegay in hubka iyo dagaalyahanada Ukraine ay ku sii jeedaan gobolka harada Chad oo ay ku dhiiradaan in ay caawiyaan kooxaha argagixisada ah ee halkaas ku sugan.
Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey iskaashiga dhanka difaaca ee u dhexeeya Ruushka iyo Iran.
Safiirka UK ee Qaramada Midoobay, Barbara Woodward ayaa sheegtay in Ruushku uu isku dayayo in uu helo hub badan, oo ay ku jiraan boqollaal gantaalaha ballistic-ga ah ee Iran, taas beddelkeedana ay Iran siiso taageero milateri iyo mid farsamo oo aan hore loo arag