RW XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka.
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey dagaalka lagula jiro AS ee ka socda gobollada dalka, ayaa sheegay “In dagaalkani uu yahay mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.