Wiil dhalinyaro ah oo muddo isticmaali jiray noocyada ugu xun daroogada, dhibaatooyin badanna kala kulmay.
Wiil dhalinyaro ah oo muddo isticmaali jiray noocyada ugu xun daroogada, dhibaatooyin badanna kala kulmay oo hadda isubadalay wacyigaliye uga diga dhalinyarada isticmaalka maandooriyayaasha.
Abdirihman warsame waa 24 jir ku dhashay Mareykanka waalidkiisna ay ka soo hayaameen dhibaatooyinkii SOomaalia, Balse Abdirihmaan markii uu soo barbaaray waalidkiina ka dhursugayeen gulaha halgankii ay u soo galeen wiilkooda, waxaa mar qura is badalay xaalka waxaana Abdirihmaan uu ka mid noqday dhalinyarada Nolosha dhinac maray.
Waxa uu yeeshay saaxiibo wado qaldan ugu yeeray ugu danbeyna baray isticmaalka Maan dooriyaha waliba kiisa ugu xun oo ay adagtahay in laga baxo.
Hooyada dhashay Abdirihaan marnaba kama aysan quusan wiilkeeda oo waxa ay xiliyo badan isku dayday in ay ku soo celiso noloshiisa caadigaa, lakin waqti ayay ku qaadatay.
Abdirihmaan waxa uu ka mid ahaa Koox dhalinyaraa oo intooda badan u geeriyooday isticmaalka daroogada xad dhafka ah ee ay cuneen, qaarkod iyaga ayaa is dilay, qaarkoodna waxaa dilay Ajaanib kale.
mudo kadib waxa uu eebe qadaray in uu dhintay saxiibkii ugu dhawaa ee Abdirihaman ugu danbayna waxaa isbadal ku yimid Habkii uu u fakari jiray Abdirihman waxa uuna go'aansaday in uu noloshiisa wax ka badalo, inkasta oo ay adkeeyd hadana cashar ayay u ahayd geerida saaxiibkiis,
Abdirihman waxaa jirkiis ka buuxa daroogo xad dhaaf ah oo ay adagtahay in qofku ka bad baado waxana uu codsi u gudbistay Hooyadiioo isla markiiba is garab taagtay.
Ugu danbeeyn Abdirihman waa ka soo baxay qolkii mugdiga ahaa waxana u biloowmay hayaan cusub oo nolosha ah.
Waxaa lagu sameyay Nadiifin dhanka dhiiga iyo jirka ah oo laga dhaqay daroogadii, waxana loo diyaariyay hanaankii uu caadi ugu soo noqon lahaa.
Maanta waa wacyigaliye dhalinyirada la hadla kana waaniya dhibaatada daroogada, waxa uu qoray buug waxa uuna ku jira urur dhalinyaro oo u taagan bad baadinta dhalinta Soomaaliyeed ee dhibaatada daroogadu la soo daristay.